Turkiga oo dhakhaatiir qaliin u soo diray Magaalada Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa dhakhaatiir dhanka qaliinka ah u soo dirtay Magaalada Muqdisho, si ay kaga qayb qaataan howlaha gurmadka ee lagu samata-bixinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii waaweynaa ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Dhakhaatiirtan oo tiradoodu afar gaareysay ayaa galabta lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka Turkiga u joogga dalka, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa xubnahaasi ku soo dhaweeyay magaalada.

Dhakhaatiirtan ayaa ka hawlgeli doona Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer), si ay gacan uga gaystaan daryeelka loo fidinayo dadka wejiyada ka burburay iyo kuwa kale ee gubniinka qaba.

Dhanka kale afar qof oo xaaladooda lagu sheegay inaanan dalka waxba looga qaban karin ayaa gelinkii dambe ee maanta loo qaaday dalkaasi Turkiga.

Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka iyo xubno kale oo la socday ayaa dadkaasi ka sagootiyay Garoonka Aadan Cadde.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com