Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh oo horgeeyay shir-madaxeedka dalalka Carabta doorka ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee shacabka iyo dowladda ay ka sugayaan walaalahooda Carbeed ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kula kulmay madasha shirka uu ku qabsoomay Hoggaamiyeyaasha Wadamada Carabta iyo Madaxda Ururada Caalamiga ah ee ka qaybgalay, isagoo uga warbixiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sida ay u socdaan abaabulka wadajirka ah ee lagu xoreynayo deegaanada ay baaqiga ku yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune oo haatan ah Madaxa Jaamacadda Carabta. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Abdel Fattah El-Sisi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres iyo madax kale, si uu u xoojiyo diblomaasiyadda Somaliya iyo xaqiijnta danaha qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com