Madaxweyne Zelenskyy “Ruushku wuxuu argagixiso ku noqday xarumahayaga korontada”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in weerarada Ruushka uu ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkaasi ay horseedeen in 4.5 milyan oo qof ay noqdaan kuwo koronto la’aan ah.

Militariga Ruushka ayaa bishii October bilaabay inay burburiyaan xarumaha korontada iyo biyaha ee dalkaasi, ka dib weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu waxyeeleeyay buundada Gobolka Crimea, ee horaan uu Ruushku qarameeyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mallaayiintan qof ay koronto la’aanta wajahayaan, xilli dalkaasi uu ku soo fool leeyahay xilliga qaboobaha.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa habeenlaha ku sheegay in koronto la’aantaasi ay saameysay 10 magaalo, oo ay ku jirto Caasimadda Kyiv.

Madaxweynuhu waxa uu Ruushka ku eedeeyay, ka dib markii ciidamadiisa lagu jebiyay furimaha dagaalka uu argagixiso ku noqday tamarta Ukraine, sida uu yiri.

Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine ayaa maamulada magaalooyinka ugu baaqay inay la yimaadaan tallaabooyin ay ku beeqaaminayaan isticmaalka korontada.

“Jiritaanka argagixisada tamarta ee Ruushku uu nagu hayo iyo inaan ka gudubno xaaladda ina haysata waa howl qaran oo inoo taala, waana mid ka mida waxyaabaha ugu muhiimsan ee hadda na horyaala.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa yiri “Waxaa muhiim ah inaan hadda ilaalino awoodda aan u leenahay inaan wadajir muujino. Waxaan doonayaa inaan maanta idiinku baraarujiyo laba arrimood, midda 1aad waa inay baraarug qabaan maamulada maxaliga ah, oo fadlan hubiya marka aysan muhiim ahayn isticmaalka korontada. Midda 2aad dhammaan magaalooyinka iyo bulshada reer Ukraine hadda lama jooggo waqtigii la khasaarin lahaa korontada amaba la isticmaali lahaa boorarka wadooyinka ee xayeeysiinada iyo nalalka kale ee loogu talagalay calaamadaha.”

Bulshada ku dhaqan magaalooyinka dalkaasi ayay hadda dhibaato ka haysataa, sidii ay kaga gudbi lahaayeen waqtigan qaboobaha, waana xilli ay dadka dalkaasi u muuqdaan kuwo aan haysan gaas iyo koronto ay guryaha ku diirsadaan amaba ay cuntada ku karsadaan.

Maamulada ayaa isku dayaya inay magaalooyinka ka hirgeliyaan xarumo ay dadku isku diiriyaan, gaar ahaan dadka da’da ah oo qabowga u nugul.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com