Xoogaga Gorgor oo Gobolka Shabellaha Dhexe ku gubay gaari lagu soo raray walxaha qarxa

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Gorgor ay saaka gubeen gaari lagu soo raray walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa waaberigii hore gubay gaarigan oo Leyla Calaawi ahaa, xilli la sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay doonayeen inay ku qarxiyeen fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo dhawaan laga saaray maleeshiyadaasi.

G/dhexe Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha Guutada 17aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in ciidamadu ay hayeen xogta gaarigaasi, isla-markaana ay u sahashay inay gubaan, ka hor intii aanu soo gaarin goobtii uu bartilmaameedka ahaa.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ka samri la’ deegaankan, oo ay ku lahaayeen saldhig weyn, kaas oo muhiim u ahaa difaacooda Degmada Aadan Yabaal iyo weliba ganacsiga Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ceeldheer, oo dhaqaale fara-badan ay ka heli jireen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa Isniintii dadka deegaanka ugu baaqay inay ka qayb qaataan difaaca deegaankooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com