Madaxweyne Guudlaawe “Shabaab waa jabay, inta dhimana halagu dhiirado”

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka hadlay hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, xaaladda Masaajid Cali Gaduud iyo baaq uu u diray dadkii ka barakacay.

Madaxweynaha oo ka waramayay dhibaatada Shabaabku ku hayaan shacabka ayaa yiri “Nimankan nabadiidka ah ee Khawaarijta ah dalka Somaliya dhibaato badanee ka gaysteen, hadday tahay cibaadadii iyo hadday tahay ummaddii nolosheedii, meel weliba ayay hor istaaggeen. Waxaad arkayseen dhibaatada ay u gaysteen dadka shacabka ah ay ku dhameynayaan qaraxyada, waxaad arkayseen raadadka ka muuqdo oo xumaanta ah oo deegaankan ay ka gaysteen, gaadiidka meeshaan ay ku gubeen oo dad masaakiin ah ay lahaayeen oo dab qabadsiiyeen, waxaad arkayseen Masaajid loogu talagalay in lagu cibaadeysto ay u bedeleen dukaaman, inta ay jebiyeen ayay dukaaman ka dhigeen, waa beyd Ilaahay loogu talagalay in lagu cibaadeysto.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxay ku tusaysaa inaysan diin wadin ay yihiin koox isu timid oo burcad ah oo ummaddan inay nolosha ku cadaabaan go’aansaday inay yihiinee caddayn u tahay.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Ilaahay ayaa mahadaas iska leh oo maanta suurageliyay in dhibaatadii ay muddada dheer shacabka ku hayeen laga dulqaado.”

Madaxweynaha ayaa dadka barakaca ku maqan ugu baaqay inay guryahooda dib ugu soo laabtaan, isla-markaana uu deegaankoodu xor ka yahay maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa dhanka kale sheegay inay hadda u qalab qaadanayaan, sidii ay Shabaabka uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga harsan yihiin Hirshabelle.

“Shabaab waa jabay, meel walba oo loogu galana meydkoodaa daadsan.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa yiri “Ballanteenu waa dalka oo Khawaarijta laga saaro, ummadda way baraarugtay, culimadiina diiniyan ayay ummadda wax ugu sheegayaan, waxay wadaan inaysan diin ahayn.”

Guudlaawe ayaa hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay “Waxaa loo diiday dhaqaalihii ay qaadan jireen, nimankaasu way fashilmeen, militari ahaana waa u baaba’een oo waad u jeediin goob kastaa looga adkaadee, inta dhimana halagu dhiirado oo aan dhameystirno.”

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa guluf ballaaran kala kulmaya Ciidamada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ee hawlgalada ka dhanka ah ka wado deegaanada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com