Somaliya oo soo dhaweysay heshiiska Dowladda Itoobiya iyo TPLF

Dowladda Somaliya ayaa waxay soo dhaweysay heshiiskii Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ay Arbacadii ku gaareen Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweynayso heshiiskaasi oo lagu soo afjaraayo colaadda dalkaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay soo dhaweynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed, ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ee lagu soo afjarayay colaadihii hubeysnaa, waxayna carabka ku adkeeyeen in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka, barwaaqada iyo midnimada.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay rajeynaysaa in heshiiskan ‘dhibaatada Afrikaanka ah, xalka Afrika’ uu u gogol xaaro dib-u-heshiisiin dhameystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya oo gebi ahaanba soo afjarta rabshadaha, colaadda gudaha iyo rabitaanka gooni-u-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqada, kobaca dhaqaale ee Itoobiya, kan gobolka iyo meelo kale.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliya ay bogaadisay dadaalada uu Midowga Afrika miiska wada hadalada isugu keenay dhinacyadaasi iyo martigelintii ay Dowladda Koonfur Afrika martigelisay qabsoomidda wada hadaladaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay bogaadisay dadaalada Midowga Afrika ee taageerada qiimaha leh ee ku aaddan wada hadalada nabadeed, waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada hadalada nabadeed iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska sii xoojinaya xasilloonida Itoobiya iyo gobolkaba.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay carabka ku dhufatay muhiimadda heshiiska, waxayna si joogta ah u taageertaa Itoobiya oo nabad ah, dhaqaale ahaan horumarsan iyo Geeska Afrika oo ka caagan rabshadaha & colaadaha hubeysan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com