Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Masaajid Cali Gaduud (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhigga, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Jimcihii gaaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Masuuliyiintan ayaa kormeeraya xeryaha iyo difaaca ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaankaasi.

Masuuliyiinta ayaa warbixin ku aaddan xaaladda ciidamada iyo midda deegaankaba ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska ee Xoogga Dalka.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bogaadiyay shaqada adag, ee ay ciidanku u hayaan qaranka.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ujeedka socdaalkan uu la xiriiro, sidii ay ciidamadu guluf ugu qaadi lahaayeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa Aadan Yabaal ku leh saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com