Barre oo qaabilay dhakhaatiirta ka socotay Jabuuti (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay dhakhaatiirta ka socday dalka Jabuuti ee Magaalada Muqdisho u yimid, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii 29-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Dhakhaatiirtan oo gaaraysa 20 ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho waxa ay ka qayb qaateen daweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaalada magaalada, iyagoo gacan siinaya dhakhaatiirta kale ee Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dhakhaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed, ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xilligan adag.

Raysal Wasaare Barre oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee Dowladda Jabuuti ay ka gaysatay dib u yegleelidda Dowladnimada Somaliya ayaa ku ammaanay, sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed, marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti ee dalka, Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com