Ciidanka NISA oo hawlgal gaar ah ka fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose

Dowladda Federaalka ayaa faah faahisay hawlgal gaar ahi, oo ay Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Hoose.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo laga sameeyay deegaanka Galka Saliimow lagu dilay 21 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, halka ku dhawaad 10 kalena lagu dhaawacay.

“21 ka tirsan tirsan Khawaarijta Al Shabaab ayaa lagu dilay, ku dhowaad 10 kalena way ku dhaawacmeen, hawlgal qorsheysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.” Ayaa lagu sheegay warka.

Warka ayaa lagu yiri “Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah, oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.”

Warka ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo bartilmaameed ahaa uu u dhacay, sidii loo qorsheeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com