Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo caawa ku hooyanaya Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa caawa ku hooyanaya Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu maanta soo gaaray magaalada.

Gudoomiyaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo kan Hirshabelle ayaa ka soo ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Socdaalka Gudoomiyaha ee Muqdisho ayaa la xiriira dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo xaqiijinta horumarka deegaanada & Degmooyinka Gobolka Hiiraan.

“Safarka Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa daaran, sidii loo dardargelin lahaa hawlgalada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka deegaanada iyo Degmooyinka Gobalka Hiiraan, asigoo kala hadli doono hay’adaha dowliga ah ee ay khuseeyaan.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha.

Wararka ayaa sheegaya in muddada uu Gudoomiyuhu ku sugan yahay Caasimadda Muqdisho uu kula kulmi doono Madaxda Dowladda Federaalka.

Waa safarkii ugu horreyay ee Gudoomiye Jeyte ku yimaado Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii ay hawlgaladu ka bilowdeen gobolkiisa.

Jeyte ayaa laf-dhabar u ah gulufka la doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka Gobolka Hiiraan, waana ninka iska leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada kooxaha argagixisada looga ciribtirayo gobolkaasi.

Jeyte ayaa ka duwan gudoomiye-yaasha kale ee gobolada dalka, marka aad eegto sida har iyo habeen uu furinta dagaalka u jooggo dabar-jarka cadowga caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo weerarkiisa joogtada ee dhanka afka ahi uu ku hayo Shabaabka aalaaba dhagra shacabkan dhan walba ka daalan, tani oo taageero xoog leh uu kaga kasbaday qaybaha bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com