Macluumaad la xiriira: Ismiidaaminta ka dhacday Xerada General Dhega-badan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii ka dhacay Xerada General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay afaafka hore ee xeradaasi, xilli ay xeradaasi ku sugnaayeen dhallinyaro dhawaan loo diiwaangeliyay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ninkaasi uu damacsanaa in uu isku qarxiyo dhallinyaradan, oo sida uu sheegay loo xareynayay dhibowga, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, balse ay ka hortaggeen ciidamada, uuna is qarxiyay ka hor intii aanu gaarin goobtii bartilmaameedka.

Taliyaha ayaa xusay in uu socdo baaritaan ballaaran oo ku aaddan qaraxaasi, si looga horaggo weerarada ceynkani oo kala ah, xilli uu dalku ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Qaraxan oo masuuliyaddiisu ay Al Shabaab sheegatay ayaa waxaa ku dhintay shan qof, halka kow iyo toban kalena ay ku dhaawacantay, sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda.

Weerarada ismiidaaminta ayaa ku soo badanaya xeradan. 25-kii bishii September ee sanadkan iyo 15-kii bishii June ee sanadkii hore ayaa sidaan oo kale xeradan loogu beegsaday dhallinyaro loo qorayay Ciidanka Xoogga Dalka.

Xeradan oo horey loo oran jiray Xerada Tababarka ee Jazeera ayaa 19-kii bishii November ee sanadkii 2015 loogu magac-daray Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), kaasoo 1-dii bishaasi ku geeriyooday weerar ay dabley Shabaabka ka tirsaneyd ka gaysatay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee General Dhega-badan ayaa door weyn ku lahaa dagaalkii Al Shabaab looga saaray Magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mida Degmooyinka Gobolada Shabellaha Hoose & Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com