Madaxweynaha Hirshabelle oo tegay deegaanka Nuur Dugle (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanada Wargaadhi, Geeddi Xeer, Xasan Geeddi, Qaahira iyo Maxaa Saciid ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo ay markii dambe uga sii gudbeen deegaanka Nuur Dugle.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa Arbacadii iyo Khamiistii maleeshiyada Al Shabaab ka saaray deegaanadaasi, oo hoostagga Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ruunirgood.

Madaxweynaha iyo xubnihii la socday ayaa waxaa degaanka Nuur Dugle ku soo dhaweeyay Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale), oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay deegaankaasi ayaa sheegay in guulo muhiim ah laga gaarayo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka socdo deegaanada Hirshabelle.

“Duulaan kasta ee nimankan Khawaarijta ah lagu qaaday waa lagu jebiyay.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray in ciidamada ay maanta oo ugu dambeysay la wareegeen deegaanka Guulane oo hoostagta Degmada Aadan Yabaal.

“Meel kasta ay uga horyimaadeen Ciidanka Dowladda, dhiigooda, dhaawacooda iyo meydkoodaa daadsan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tilmaamay in ciidamada saakay ka baxay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee la wareegay Guulane ay isugu jiraan laba qaybood, isla-markaana ay ku wajahan yihiin Degmooyinka Ruunirgood, Aadan Yabaal iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

“Duulaanka ka soo baxay Cali Gaduud laba qaybood waaye, qayb waxay ku socotaa tubtaan aan hadda joogno, toos ayaana loo aadi doonnaa Ruunirgood illaa Ceeldheeraa loo socdaa, haddii Ilaahay raali ka noqdo. Qaybta kale ee ka degatay Guulane, Aadan Yabaal ayay waqtiga ugu dhow taggi doontaa, waxaana iska hor imaan doono ciidamadii Hiiraan ka soo hawlgalay iyo kuwa Shabellaha Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisan ku wehlinayay xubno ka tirsan Labada Gole ee Hirshabelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, siyaasiga Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) iyo Saraakiil ciidan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com