Madaxweynaha oo magacaabay La taliyaha Xiririka Caalamiga & Isuduwaha Barnaamijyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo La taliyaha Xiriirka Caalamiga & Isuduwaha Barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka facaweyn ee diblomaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriirka caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay La taliyaha Xiriirka Caalamiga & Isuduwaha Barnaamijyada in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com