Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Masar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa magaaladaasi kaga qaybgelaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka.

Madaxweynaha iyo khubarada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehliya Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xoogan ee is beddelka cimiladu ay ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta is bedelka cimilada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com