Mintidiinta Al Shabaab oo dib looga saaray deegaanka Qaayib

Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, Xerta Ahlu Sunna iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa dib u riixay mintidiintii Al Shabaab ee saaka weerarka xoogan ku soo qaaday deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadii halkaasi lagu weeraray oo gurmadyo ay gaareen ayaa waxay taasi suurtagelisay in dib loo caabiyo kooxihii argagixisada.

Dagaalka ayaa hadda la soo sheegaya in uu ka socdo duleedyada Qaayib, ciidamadana waxay ku daba jooggaan firxadkii maleeshiyada Al Shabaab.

Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo ahaa gurmadkii ugu horreyay ee Qaayib gaara ayaa la fahamsan yahay inay saaxada dagaalka wax weyn ka bedeleen, iyagoona miisaanka dagaalka dhanka kale u rogay.

Xoogagan ayaa gaaray Qaayib, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug uu hujuum weyn ka haystay kooxihii dhowrka jiho ka soo kubaareeyay xeryahooda.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in uu jiro khasaare xoog leh oo Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.

Dagaalkan saaka ka dhacay Qaayib ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Gobolka Galgaduud, tan iyo intii ay hawlgalada ka dhanka ah Shabaabku ka bilowdeen deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com