Xoogaga Ahlu Sunna oo ku biiray dagaalka ka socdo Qaayib

Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo gurmad ahaan uga baxay Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa garab iyo gaashaanba u noqday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ee waaberigii saaka lagu weeraray deegaanka Qaayib oo hoostagta Baxdo.

Xertan oo u badan xoogagii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee horaan kala irdhoobay, markii dambena kutubo raaca ku ahaa Baxdo ayaa ka qayb qaadanaya dadaalada ay ciidamadu dib ugu caabinayaan kooxaha argagixisada.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa xilligii Salaadda Subax weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaankaasi, oo 25-kii bishii hore ee October laga saaray, waxaana xigay weerar toos ahaa oo ay ku ekeeyeen xeryaha ciidamada.

Xertan oo u daacad ahayd Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ah kuwii Shabaabka ka difaacay weeraradii 17-kii bishii June iyo 7-dii bishii January ee sanadkan ku qaadeen Baxdo.

Dhanka kale idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa baahisay in maleeshiyadooda ay weerar cagmarin ah ku qaadeen deegaankaasi.

Andalus waxay sheegtay in weerarka oo ismiidaamin ku bilowday ay mintidiinta u suurtagashay inay si buuxdo ula wareegaan Qaayib.

Wararka haatanse laga helayo deegaanada ku dhow dhow Qaayib ayaa sheegaya in weli uu dagaalku ka socdo deegaankaasi, gurmadka ciidamadana ay ku sii qulqulayaan. Qaayib ayaa ah mid ay saaka isgaarsiinteedu go’antahay.

Shabaab oo dhowr iyo toban sano ka arriminayay deegaankaasi ayaa ku lahaa saldhig weyn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com