Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Wabxo

Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, oo maleeshiyada Al Shabaab ay muddo dheer ka arrminayeen.

Ciidamada oo ka ruqaansaday duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa galabta iska caabin xoogan kala kulmay maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo labada dhinac dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu ku dhex maray tuulada Gorof oo hoostagta Wabxo.

Dagaalka oo soo gaaray fiidnimadii caawa ayay wararku sheegayaan in ciidamadu ay haatan ku sugan yihiin Gorof oo sidaas uga fogeyn Wabxo.

Ciidamada iskaashanaya ayaa qorsheynaya in Arbacada ay sii wadaan gulufkooda ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gacan ku haynta Wabxo, sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, kana mid ah masuuliyiinta hoggaaminaya hawlgalkan.

“Waxaan joognaa meel magaalada afkeeda ah oo Gorof la yiraahdo, habeen ayay nagu noqotay, magaaladiina ma gelin. Difaacyadii waan ka saarnay Shabaab oo ciidankeennaa joogga hadda.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay xogta ku hayaan in maleeshiyada Shabaabku isaga baxeen Wabxo, isagoona yiri “Wabxo cid joogto maleh, sida hadda aan warbixinta ku helayno, dhinacaas iyo Dac ayay u gudbeen.”

Dac ayaa ku taala waddada xiriirisa Wabxo iyo Ceelbuur, waana deegaan kale oo Shabaabku ka difaacaan Ceelbuur.

Xildhibaan Jacfar ayaa khasaaraha dagaalka ku sheegay “Annaga wiilna waa nooga dhintay, labana waa nooga dhaawacantay. Shabaab been ka sheegi mayno wax hadda meyd ah oo aragnay ma jiro.”

Waddada dhanka waqooyi uga baxdo deegaanka Wabxo ee sii marta Dac ayaa waxay tagtaa Degmada Ceelbuur, halkaasoo ay Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Galgaduud, waana halka uu ku wajahan yahay hawlgalka Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka.

Saraakiisha kale ee hawlgalkan horkacaya waxaa laga xusi karaa Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, G/dhexe Nuur Xasan Guutaale, Taliyihii hore Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin iyo Ibraahim Cumar Mahadalle (Ibraahim Dheere), oo horey u soo noqday Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir.

Taliyaha cusub ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa mar sii horreysay sheegay in ay dardargelin doonaan gulufka Shabaabka looga saarayo deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com