Duqa Muqdisho oo sheegay in xaasaska & carruurta Shabaab ku soo jabeen magaalada

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaasaska iyo carruurta maleeshiyada Al Shabaab ay ku soo jabeen Caasimadda Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in haweenka iyo dhallaanka Al Shabaab ay dadkoodu uun yihiin, balse aanay doonayn in lagu soo hoos dhuunto.

“Magaalada Muqdisho waa lagu soo jabay, waana la yimid, dhallinyaradii argagixisada ahaa ubadkoodii, gabdhahoodii iyo xaasaskoodii waa yimaadeen. Gabdhaheenii waaye, ubadkana waa ubadkeenii, laakiin waxaan rabnaa inaan lagu soo hoos ganbanaa rabnaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay si dhow ula socdaan cadowga aan dadka kale laga muuqaal garanayn, haddii aysan la socona ay hadhow iyagu dhagri doonaan.

“Midka cadowga ah ee markuu sii jeesto iyo markuu soo jeesto aaddan kala garan karin, wejigana aysan shabbad uga dheganayn, waxaan rabnaa qof kastoo deriskiisa ah inuu ka war hayo, soona gudbiyaa laga rabaa, maxaa yeelay, haddii aaddan ku maqnayn, adigoo kugu maqan yahay, mar hadduu kugu maqan yahayna waxaa fiican, intuusan ku asiibin inaad adiga asiibtaa fiican.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa yiri “Marka dagaalaa socdo, dagaalka socdana, gees ka gees ayuu ka bilowday, Gobolada Koonfureed-na waa ka bilaabanayaa, Gobolada Dhexe-na hadduu ka socdaa.”

Duqa Muqdisho ayaa hadalkan ka sheegay daahfurka ololaha la dagaalanka Al Shabaab iyo taageerada hawlgalada dib-u-xoreynta ee dalka, oo uu xalay ka daahfuray Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com