Gudoomiye Jeyte oo ka hadlay ujeedka ay ka leeyihiin dagaalka Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa faah faahiyay yoolka ay ka leeyihiin dagaalka Gobolka Hiiraan, oo maleeshiyada Al Shabaab looga sifeeyay gobolkaasi intiisa badan.

Gudoomiyaha oo wareysi siiyay VOA ayaa tilmaamay inay Shabaabka ka saareen deegaanada bariga gobolkaasi oo dhan, haddana ay gobolka kaga harsan yihiin dhinaca galbeed ee Webiga Shabelle, mar dhowna ay ka saari doonaan.

Gudoomiyaha oo wax laga weydiiyay hadafka ay ka leeyihiin dagaalka gobolkaasi ayaa qasdigooda ku sheegay inay ummadda Soomaaliyeed baraan in ay iska dulqaadi karaan cadowgaasi.

Waxa uu sheegay in rajada dagaalka uu markii hore ahaa, haddii Shabaab ku guuleystaan inay dagaalka Somaliya oo dhan ku guuleysteen, haddiise looga guuleystana in Somaliya idilkeeda looga adkaaday.

“Dagaalka Hiiraan ka socda wuxuu awal rajadiisu ahayd, haddii Shabaab ku guuleysto Somaliya oo dhan ayaa laga guuleystay, haddii aan ku guuleysanana Shabaab Somaliya ayaa looga guuleystay, magaciisu kaasuu ahaa. Wuxuu noqday marka Shabaab in looga guuleysto oo waa looga guuleystay Hiiraan, taa waxay ku tusaysaa Somaliya in looga guuleystay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Ujeedada aan ka leenahay waxay tahay in aan dadka Soomaaliyeed fahamsiino Shabaab inay gacmahooda isaga dulqaadaan, istiraatiijiyadda aan ka leenahay dhibaato kastoo jirto ama faa’iido kastoo timaada meel uun bay ka bilaabataa, meesha aan ka bilownay waxa ay ahayd faa’iidadii ummadda Soomaaliyeed ay isaga dulqaadi laheyd  cadowga dulsaaran.”

Waxa kaloo uu yiri “Ujeedada 2aad ee aan ka leenahay waxay tahay, haddaan Hiiraan ka saarno naguma filna ama wax la taaban karo weli ma ahan, ilaama aan ka saarno gobolada kale ee dalku uu leeyahay. Annagu waa inaan yeelano aragti qaran ee aanaan u fekerin aragti gobol iyo aragti degmo, inkastoo xilkani aan hayo uu yahay xil gobol oo uusan ahayn xil Soomaali ka dhaxeeyo, haddana qalbi ahaan, mooraal ahaan iyo maskax ahaanba waxaan aaminsanahay, una diyaarsanahay aragti qaran iyo xoreyn qaran, dhammaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatada haysatana in laga dulqaado.”

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ah ninka iska leh abaabulka iyo dardargelinta dagaalkan lagu wiiqayo kooxaha argagixisada ee gobolkaasi ayaa si dhiiranaan leh dadka gobolkiisa ugu jiheeyay inay la dagaalamaan cadowga dhowr iyo tobanka sano dhiigooda jaqayay, taasoo natiijadeeduna noqotay in inta badan deegaanada gobolku ay maanta xor ka yihiin colkaasi aan la garanayn waxay doonayaan iyo waxaysan doonaynba.

Gulufka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la dhihi karaa waxa uu bilow wanaagsan u yahay dagaalka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dooneyso inay ku soo afjarto waayihii kooxaha jid iyo jihadiidka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com