Madaxweynaha Somaliya oo khudbad ka jeediyay shirka is bedelka cimilada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Is bedelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray, sida is bedelkani uu u saameeyay adduunka iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay, ee ay shacabka Soomaaliyeed wajahayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qaybgelaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta is bedelka cimiladu uu ku yeeshay adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

“Sanadkan aan ku jirno in ka badan sideed boqol oo milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa waxaa haysta cunto yari. Somaliya gudaheedana in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah, waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa is bedelka cimilada iyo colaadda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay is bedelka cimilada ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xoogan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Somaliya abuurtay Wasaaradda Deegaanka iyo is bedelka cimilada, sidoo kalrna daah-furtay hindise lagu dhireynayo Somaliya.

“Somaliya waxaa soo food saartay dhibaato bani’aadanimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabano, taas oo ka dhalatay abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba’an, kuwaas oo baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada abaarta jirta awgeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambayn sheegay in Dowladda Somaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka adduunku ay maanta muujiyaan isku tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani’aadanimo ee dadka dunidu ay wajahayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com