Raysal Wasaaraha Somaliya oo gaaray Caasimadda Djibouti

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Djibouti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ambouli ku soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda dalkaasi.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku jooggi doona dalkaasi ayaa inta uu jooggo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonnaa Madaxda Jabuuti.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com