Raysal Wasaare Barre oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Raysal Wasaarha ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Raysal Wasaare Barre ayaa inta uu jooggo dalkaasi waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka uu la yeelan doonnaa Madaxda Jabuuti.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com