Turkiga iyo Mareykanka oo mar kale u biro tumanaya Al Shabaab

Talisyada Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee ka hawlgala Somaliya ayaa isku diyaarinaya weeraro dhanka cirka ah, oo ay ka gaystaan Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyay, oo ay qorsheynayaan inay kula wareegaan degmooyinkaasi oo Al Shabaab ka arrimiso. Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku leh saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ciidamadu ay hadda ku wajahan yihiin degmooyinkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha Turkiga iyo Mareykanka ay aqbaleen codsiga Dowladda Federaalka, ee ah in diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay dhanka cirka ka garaacaan maleeshiyada Al Shabaab, haddii ay ku fara adeegaan gacan ku haynta degmooyinkaasi .

Drones-ka Mareykanka iyo kuwa Turkiga ee noocoodu yahay TB2 ayaa door weyn ka qaadanaya gulufka weyn ee Shabaabka looga saarayo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Drones-ka TB2 ee ay farsameyso shirkadda dalka Turkiga laga leeyahay ee Bayraktar ayaa sanadkan duqaymihii ugu ballaarnaa ka gaystay difaacyadii Shabaab ku lahaayeen deegaanada illaa iyo hadda laga saaray, waana duqayn la sheegay in khasaaro lixaad lihi lagu gaarsiiyay maleeshiyadaasi.

Khuburada amniga ayaa fahamsan in weeraradaasi dhanka cirka ay ciidamadu ka caawiyeen in guulo muhiim ahi ka gaaraan hawlgalada deegaanada Hirshabelle, oo Shabaabka looga saaray deegaano fara-badan, oo muddo dheer ay ka arrminayeen, waana tan keentay in Warbaahinta gudaha iyo midda dunidaba ay ka faalloodaan taageerada saaxiibada caalamiga.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa Dowladda Somaliya u tababaray kumanaan ciidan, oo u badan kuwa sida gaarka ah u tababaran, waana Kumaandooska Gorgor iyo Danab oo safka hore ka ah dagaalka la doonayo in lagu wiiqo awoodda Al Shabaab.

Gulufka dhul iyo cirba leh ee ay sanadkan maleeshiyada Al Shabaab wajahayaan ayaa noqonaya kiisii ugu ballaarnaa, muddadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ay dalka ka dagaalamayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay ciribtiri doonto Khawaarijta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com