Hormuud Salaam Foundation oo laptop u qaybisay ardayda ku guuleysatay deeqda waxbarasho

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u qabatay ardaydii ku guuleysatay imtixaanka deeqda waxbarasho ee sanadkan 2022.

Munaasabadaanoo ka dhacday Xarunta dhexe ee Shirkadda Hormuud Telecom ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Gudoomiyaha Hormuud Telecom, Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga, waalidiin iyo masuuliyiin kale.

Ardayda maantay loo qabtay xaflada soo dhaweynta oo gaareya 45 arday ayaa ah kuwii kaalmaha hore ka galay imtixaankii Qabuulka ahaa ee Hay’adu qabatay bishii September ee sanadkaan kaasi oo ay u fariisteen 400 arday oo kasoo qalin jabiyey dugsiyada sare e dalka.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo faahfaahiyay ujeedada loo qabtay xafladan, isagoona sheegay in in ay mar walba u taaganyihiin garab istaaga dhalinyarada soomaaliyeed ee aan awoodin kharashaadka waxrbarashada

Qaar ka mid ah ardayda iyo waalidiin ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, iyagoo uga mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation fursadaan ay u abuureen ardayda Soomaaliyeed.

Gudomiye Kuxigenka Rungta Ganacsiga, Cabdiraxman Galaambe oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay doorka muuqdo ay Hormuud Salaam Foundation u hayso ardayda Soomaaliyeed.

Gudomiyaha Shirkadda Hormuud, Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa dhankiisa ku dhiirigeliyay ardaydii fursadda u heshay deeqda waxbarasho in ay ka miro dhaliyaan waxbarashada.

Intii ay socotay xafladda waxa ay hay’addu u qaybisey ardaydaan Laptop-yo iyo agabka waxbarashada oo ka caawin doona barashada iyo samaynta cilmi baarisyada, muddada afarta sano ah ee ay waxbarashada ku guda jiraan.
Ugu dambayn waxaa munaasabada soo xiray Wasirka wasaarada waxbarashada Faarax SH Cabduqadir oo Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ku amaanay waxqabadka muuqda ay bulshada ku celineyso.

45-ka arday ayaa ka dhigeysa tirada ardayda wax ay waxbarashada ka bixiso Hay’adda Hormuud Salaam Foundation kharashaadka waxbarashada 120, deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation oo soo bilowday sannaddii 2019, waxaana la filayaa in ay sanadka soo socda ay qalin jebiso dufcadii ugu horreysay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com