Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday mid ka mida Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka ka qaaday Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha Hirshabelle, Axmed Saney Maxamed.

Madaxweynaha ayaa xilkaasi u magacaabay Cabdullaahi Daahir Calasoow, sida lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Xil ka qaadista Wasiir Kuxigeenka ayaa lagu sababeeyay xil gudasho la’aan, iyadoona uu xil ka qaadistiisa soo jeediyay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Axmed Saney ayaa ka soo muuqday liiskii Golaha Wasiirada, ee uu Madaxweynuhu soo magacaabay 31-kii bishii July.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com