Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Eritrea

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo uu kulan kula leeyahay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi iyo kor u qaadidda doorka dalalka gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne Afwerki la yeelan doona wada xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab.

Waa safarkii 2aad uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku taggo dalkaasi. Safarkan kii ka horreyay ayuuna ugu ambabaxay bishii July.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com