Ruushka oo ku dhawaaqay in ciidamadiisa kala baxayo Kherson

Taliska Militariga Ruushka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamadooda kala baxayaan magaalada koonfurta Ukraine ku taala ee Kherson, ka dib culeys xoog leh oo ka soo fuulay Ciidamada Ukraine ee iska caabinta sameynaya.

Kherson ayaa ah magaaladii ugu muhiimsaneyd ee ay dagaalka kula wareegaan Militariga Ruushka, horaantii duulaanka Moscow ee dalkaasi.

Taliyaha Ciidamada Ruushka ee hoggaaminaya duulaanka Ukraine, General Sergei Surovikin ayaa shaaciyay go’aanka ciidamada looga saarayo Kherson, isagoona go’aankan ku sheegay mid si dhib badan lagu gaaray.

“Waxaan soo jeediyay inaan difaac ka galno daanta bidix (bari) ee Webiga Dnieper (Dnipro), waan ogahay inuu yahay go’aan adag, waxaanse ku badbaadin karnaa nolosha askartayada iyo ujeedada guud ee dagaalka. Waxaa ii muuqatay in khatar badan tahay in ciidamadu ay ku sugnaadaan daanta midig (galbeed) ee webiga.” Ayuu yiri Taliyaha oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka (Rossiya-24).

Taliyaha ayaa yiri “Go’aankan ayaa noo saamixi doona inaan helno ciidamo dheeraad ah, oo ka dagaalami kara aagga kale ee uu ka socdo gulufka militari.”

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergey Shoigu ayaa dhankiisa sheegay inuu Taliyaha ku raacay soo jeedintiisa ah in ciidamada laga soo saaro magaaladaasi.

Wasiirka ayaa sheegay inuu amray in ciidamada laga wareejiyo daanta galbeed, loona wareejiyo daanta bari ee webiga.

Kherson ayaa ka mid ah 4-ta gobol ee uu Ruushku qarameeyay bishii hore ee October, ka dib aftidii bishii September.

Tallaabada Moscow ay ciidamadeeda ugala baxayso magaaladaasi ayaa imaanaysa, xilli Madaxweynaha Ukraine uu Talaadadii sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay wada hadalo ay la gasho Ruushka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com