Shabaab oo qarax la eegtay gaari dameer raashiin u siday Xudur

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa waddada u galay gaari dameer raashiin u siday Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Tani ayaa soo dedejisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgalo ka sameeyaan deegaanada hoostagga magaaladaasi, sida Busleey, Mooro Hagar, Faraj iyo War-galoole

Taliyaha Ururka 51aad, Guutada 9aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Deerow Cabdi Cali ayaa sheegay inay isku fureen wadooyinka deegaanadaasi, ka dib markii na loogu sheegay buu yiri in wax badan lagu dhibaateeyay dad shacab ah.

“Waxaan u sheegi lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kastoo ay jooggaan in cadowga uu waqtigiisu dhammaaday, waxa yar ee dhimana in la dhameystiro ayaa loo baahan yahay.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa qof kasta oo xubin Shabaab ah dila u ballanqaaday inuu heli doono qoriga uu Shabaabka ka dishto iyo abaalmarin lacageed oo dhan shan boqol oo dollar ($500).

“Ururka Taliska 51aad wuxuu idinku dhiirigelinayaa nin kastoo xubin Al Shabaab ah dilo, anoo Taliye Ururka ah waxaan u ballanqaadayaa qoriga Al Shabaabka inuu qaadan doono, waxaana abaalmarin u siinayaa ninkii madaxa Al Shabaab ii keeno 5 boqol oo dollar oo lacag ah.” Ayuu yiri Taliye Deerow.

Degmada Xudur ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Bakool ee ay go’doominta daran ku hayaan mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com