Faah faahin: Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Burdaar

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Burdaar ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo la soo sheegayo in dagaal culus uu ka dhacay.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidanka Gorgor ee xeradooda la weeraray ay fashiliyeen weerarkaasi.

Afhayeenka oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ciidanku ay dileen 12 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay heleen xogta weerarkaasi qorsheysan.

General Caanood ayaa xusay in saddex ka mida Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyadooda ay gacanta ku dhigeen saldhigaasi, dagaalkana ay ku dileen 31 askari.

“Sidoo kale waxay mujaahidiintu gacanta ku dhigeen hub, saanad militari iyo dhammaan gaadiidkii ciidan ee xerada yaallay, kaas oo tiradiisu ahayd 9 gaari, oo isugu jira nooca ciidamada lagu daabulo iyo gaadiidka tiknikada loo yaqaano.” Ayaa lagu yiri warka.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee maleeshiyadaasi ka gaystaan Gobolka Hiiraan, ka dib weeraradii mataanaha ahaa ee ay 12-kii bishii October ka gaysteen deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com