Gudoomiye Kuxigeenkii Gobolka Baay oo xabsiga loo taxaabay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu xalay xabsiga u taxaabay Xasan Aadan Nuur (Ilkacase), Gudoomiye Kuxigeenkii hore Dhinaca Amniga ee Gobolka Baay, kaas oo mar sii horreysay xilka iska casilay.

Ciidanka Nabad Sugidda ayaa kala baxay hoygiisa oo ku yaala xaafadda ADC, iyagoona ku xiray Madaxtooyadii hore ee Baydhabo, oo hadda ah Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Koonfur Galbeed.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin, waxa uu salka ku hayo xarigga ninkaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Gudoomiye Ilkacase uu ka mid yahay Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ee ka biyo diidan muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Muddo xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku eg 19-ka bisha soo socoto ee December, markaas oo afar sano ugu buuxdo muddadii xilka loo doortay, inkastoo uu Madaxweynuhu doonayo in hal sano oo dheeri ah uu xafiiska sii jooggo, ka dib muddo kordhintii uu Baarlamaanka u sameeyay.

Siyaasiyiinta ka biyo diidan muddo kororsigan ayaa u ololeynaya in doorasho laga qabto Koonfur Galbeed, waxaana taasi garab socda abaabul ay hormuud ka yihiin Saraakiisha Ciidamada qaarkood, taasoo ay dadku ka baqdin qabaan inay dhabaha u xaarto dagaal uu dhiig ku daato.

Dadka dhaliila siyaasadda Madaxweyne Laftagareen ayaa ku eedeynaya in uu ciidamada iyo dadkii deegaankaba uu ka mashquuliyay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, xilli Madaxda Dowlad Goboleedyada ay dadkooda ku hoggaaminayaan dagaalka ay Dowladda Federaalka ku dhawaaqday in Shabaabka dalka looga saarayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com