Madaxweyne Guudlaawe oo xoojinaya gulufka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa booqasho ku tegay deegaanada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan iyo Saraakiisha kale ee ciidamada.

“Waxa uuu kala hadlay muhiimadda hawlgalada socda, adkeynta amniga deegaanada la xoreyay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ciribtirka Khawaarijta arxanka daran.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Madaxtooyada Hirshabelle.

Madaxweyne Guudlaawe oo sidoo kale goob fagaare ah kula hadlayay xoogag ka tirsan kuwa deegaanka oo qayb ka ah hawlgalada ayaa bogaadiyay, sida ay uga go’antahay inay la dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa reer Hirshabelle ugu baaqay in ay u soo qalab qaataan hawlgalada lagu xoreynayo deegaanada ay maleeshiyadaasi baaqiga kaga yihiin Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Guudlaawe ayaa hadda xoojinaya gulufka ka socda Gobolka Shabellaha Dhexe, ee la qorsheynayo in Shabaabka looga saaro Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ruunirgood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com