Ciidamada Ukraine oo si buuxdo ula wareegay Magaalada Kherson

Ciidamada Ukraine ayaa xalay si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Kherson ee koonfurta dalkaasi Ukraine.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Ruushka uu Khamiistii bilaabay in uu ciidamadiisa kala baxo magaaladaasi.

Dadweyne soo dhaweynaya imaanshaha Ciidamada Ukraine ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka faras magaalaha ee magaaladaasi.

Dadweynahan ayaa watay Calanka Ukraine, oo sidoo kale markii ugu horreysay intii muddo ah laga taagay magaaladaasi.

Dhanka kale buundada weyn ee ka baxda Kherson ayaa qayb ahaan burburtay, iyadoona ay su’aalo ku gadaaman yihiin cidda burburkaasi ka dambeysay.

Militariga Ruushka ayaa markii ugu dambeysay buundadan uga gudbay dhanka bari ee Webiga Dnieper (Dnipro).

Wararka ayaa sheegaya in cutubyadii ugu dambeysay Ciidamada Ruushka ee isaga baxayay daanta galbeed ee webigaasi ay la kulmeen iska caabin xoogan.

Ciidamada Ruushka ee Kherson banneeyay ayaa tiradooda lagu sheegay qiyaastii soddon kun (30,000) oo askari. Kherson ayaana ka mid ahayd 4-tii gobol ee uu Ruushku qarameeyay, bishii October.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com