Mareykanka oo duqayn ku dilay xubno ka mida Al Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ahi ay 9-kii bishan ku dileen 17 ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqayntu ka dhacday deegaanka 285km dhanka waqooyi bari kaga beegan Magaalada Muqdisho.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ee Somaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al Shabaab, oo weerar ku ah Ciidamada Somaliya.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada hawlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah, sida ugu habboon.

Somaliya ayaa weli xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin, ugana adkaadaan Al Shabaab.”

Bayaanka ayaa lagu xusay inaanu weerarku waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee Villa Somalia ka taageera duqaymaha dhinaca cirka ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Washington ayaa bartamihii sanadkan dib u bilowday duqaynteedii Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, ka dib doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com