Shabaab oo dil argagax leh ka gaystay Gobolka Galgaduud

Mintidiinta Al Shabaab ayaa waxay xalay dil argagax lahaa ka gaysteen Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay dileen Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Degmada Cadaado iyo wiil uu dhalay.

Sheekh Cismaan Axmed Geeddi iyo wiilkiisii oo ka tegay Degmada Cadaado ayaa meel aan sidaasi uga fogayn deegaanka Dhisiq Shurufle ku booqanayay eheladooda.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab oo ka yimid deegaanka Baaldheer ay Gudoomiyaha iyo wiilkiisa ku dileen, goob ay ku tukanayeen Salaaddii Maqrib.

Mintidiinta oo ku laabtay deegaanka Baaldheer ayaa weerar kala kulmay dadka deegaanka, oo ka carooday falka guracan ee ay ku dileen Sheekh Cismaan Axmed iyo wiilkiisii.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal muddo kooban socday ka dib ay dadka deegaanka u suurtagashay inay la wareegaan fariisimihii kooxaha argagixisada.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli gobolku uu ka soconayo guluf ay Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaankuba isaga kaashanayaan, sidii Khawaarijta Al Shabaab looga suulin lahaa gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com