Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii waxay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ku dileen Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi, oo ahaa Khadiibkii iyo Imaamkii Masaajidka Dabaqeynka ee degmadaasi.

Kooxahan ayaa waddada u galay marxuumka, xilli uu Salaadda Casir tujiyay Jameecadii Masaajidka, kuna sii jeeday hoygiisa.

Illaa saddex nin oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay inay qaarka sare ee jirkiisa ka toogteen Imaamka, isla-markaana ay goobtaasi ka baxsadeen.

Ciidamada amniga oo goobtaasi gaaray ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen dilka Khadiibkii Masjidka Dabaqeynka.

Dilka Sheekh Cabdicasiis Maxamed ayaa imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay uu ka hadlayay dhibaatada ay leedahay in si xaqdarro ahi loo daadiyo dhiigga qofka Muslimka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, waxaase si dhow loola xiriirinaya mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com