Madaxweynaha oo waraaqaha ka guddoomay Safiirka cusub Emirate-ka Carabta ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka cusub ee Dowladda Isutagga Emirate-ka Carabta, Danjire Ahmad Juma Al Rumaithi.

Danjire Ahmad Juma Al Rumaithi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyay salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qaranimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha Emirate-ka Carabta, Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Sidoo kale Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyay in uu ku guuleysto metelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com