Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magacaabistan ku saleeyay sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib-u-dhiska Ciidanka Badda, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran.

Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ayaa ku dhaqangalay faafinta rasmiga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com