Qarax xoogan oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Istanbul (SAWIRRO)

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay qaraxan oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga, Fuat Oktay ayaa sheegay inta la xaqiijiyay inay lix qof ku dhimatay qaraxaas, halka 81 kalena ay ku dhaawacantay, kuwaa oo laba ka mida ay xaaladoodu garaab tahay.

Qaraxan ayaa ka dhacay waddada ay dadka dalxiiseyaashu ku badan yihiin ee Istiklal, iyadoona uu qaraxu ahaa mid si weyn looga maqlay magaaladaasi.

Ciidamada amniga oo goobta gaaray ayaa xiray waddada, iyaga oo ka wada baaritaano ku aaddan qaraxaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid loo arko fal argagixiso, waxaana uu intaasi ku daray in qof dumar ahi oo weerarka gaysatay ay qarxisay bamkii qaraxa sababay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo si kulul u cambaareeyay qaraxaasi ayaa ku qeexay fal waxashnimo ah.

Madaxweyne Erdoğan ayaa xusay in qofka ugu weyn ee weerarka lala xiriirinayo ay tahay qof dumar ah, taasoo ay hay’adaha ammaanku rumeysan yihiin inay xubin ka tahay Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK, oo dagaal kula jirta dowladda dalkaasi.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa qaraxan ku sifeeyay mid naxdin leh.

“Waa sawirro naxdin leh muuqaalada laga soo qaaday Istanbul. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan dadkii ku waxyeeloobay iyo shacabka Turkiga. NATO waxay u taagan tahay isbahaysiga Turkiga.” Ayuu Stoltenberg ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Waddadan ayaa intii u dhaxeysay 2015-2016 waxaa saameeyay weeraro ay Daacish ka gaysatay magaalada qadiimiga ah ee Istanbul.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com