Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo shir guddoomiyay kulan gaar ah (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka xukuumadda ee Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen guddi hoosaadka Golaha Wasiirada ee tiirka dhaqaalaha ayaa warbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka waramay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameynayso dejinta kobac dhaqaale oo lagu baraaro.

Dowladda Somaliya oo barnaamijkeeda dayn-cafinta uu meel wanaagsan oo gebagabo ah marayo ayaa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddobaadkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yeeshaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com