RW Barre oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Hay’adda Socdaalka (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda ayaa tilmaamay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay tahay wejiga qaranka.

Dhismaha xaruntan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qayb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Raysal Wasaaruhu uu kormeer ku sameeyay qaybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, wuxuuna u mahadceliyay Dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntan.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tibaaxay in tallaabada lagu dhisay xaruntan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hay’addan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Raysal Wasaare Barre oo ku boggaadiyay guud ahaan shaqaalaha hay’adda howsha wanaagsan, ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, sii horumariyaan hannaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga.

Munaasabadda xarigga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hay’adda iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com