Gudoomiyihii Degmada Wanlaweyn oo ku geeriyooday Caasimadda Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiyihii Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ismaaciil Sheekh Abuukar Maxamed.

Gudoomiyaha oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanayay degmadaasi ayaa arrimo caafimaad loogu soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa maalin ka hor waxaa qaliin dhanka dhuunta ah loogu sameeyay Isbitaalka Shifaa, halkaasoo uu xalay ku geeriyooday.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Gudoomiyihii Degmada Wanlaweyn.

Ismaaciil Sheekh Abuukar oo qurbajoog ahaa ayaa waxaa xilka loo magacaabay 31-kii bishii May ee sanadkii 2021.

Muddadii uu xilka hayay ayaa lagu ammaanaa in uu wax weyn ka qabtay xaaladda amni ee degmadaasi, isagoona qayb weyn ka qaatay nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com