Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Baraawe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Socdaalka Madaxweynaha ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ee Baraawe ayaa la xiriira, sidii uu xarigga uga jari lahaa mashaariic halkaasi laga fuliyay iyo dhagax-dhigga kuwo hor leh.

Madaxweynaha ayaa muddada uu halkaasi ku sugan yahay waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, kan degmada iyo qaybaha bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu wadaa in dadka deegaanka uu ku dhiirigeliyo ka qayb qaadashada hawlgaada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com