Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Shiinaha oo markii ugu horreysay kulmay

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulankii ugu horreyay oo fool ka fool ah waxa uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Labada Madaxweyne oo ku kulmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia, halkaasoo uu Isniintii ka furmay Shirka Hoggaamiyeyaasha G20 ayaa ka wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin arrinta Jaziiradda Taiwain, xiisadda ka taagan Gacanka Korea iyo dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka ka dib waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dagaal qabow oo cusub uu haatan ka dhex qarxay labada dal.

Madaxweyne Biden ayaa waxa uu tilmaamay inaanu Mareykanku diyaar u ahayn dagaal qabow oo hor leh, oo dhex bilowdo labada dal, isla-markaana aanay wax dan ahi ugu jirin Washington iyo Beijing, toona.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay inaanu aaminsanayn in Shiinuhu uu xoog ku qabsan doono Taiwan, oo Washington ay u aragto maamul ay xulafo dhow yihiin, halka Beijing ay u aragto gobol ka mida dhulweynaha Shiinaha, balse si iskiis ah isku maamulo.

Labada hoggaamiye ayaa intii uu kulanku socday waxay kaloo ka wada hadleen duulaanka Ruushka ee Ukraine iyo xiisadda Kuuriyada Waqooyi kala dhaxeysa Kuuriyada Koonfureed, bacdamaa uu Shiinuhu xiriir dhow la leeyahay Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Mareykanka ayaa Shiinaha u arka dal saamayn weyn ku leh Kuuriyada Waqooyi, isla-markaana uu yahay cidda keliya ee uu wax ka dhageysto Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga, Kim Jong-un.

Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi oo xad wadaago ayaa ah laba dal oo isu aragti ah, maadaama ay xagga shuuciyadda wadaagaan. Mareykanka ayaana doonaya in uu Shiinuhu u adeegsado dalkaasi dunida inteeda kale ka go’doonsan, Mareykankanu aanu wax xiriir ahi la lahayn, si uu cadaadis ugu saaro Kuuriyada Waqooyi inay joojiso xoojinta iyo kobcinta ay ku sameynayso barnaamijkeeda nuclearka.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Biden uu la kulmo dhiggiisa Shiinaha, tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com