Mustafa Cali Caanood oo laga soo qabtay Ceelasha Biyaha, laguna xiray Muqdisho

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa hawlgal gaar ah ku soo qabtay Mustafa Cali Caanood, oo lagu sheegay inuu yahay wadaad faafiya fekerka kooxaha Kawaarijta.

Ciidamada amniga ayaa hawlgalkan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ku soo xiray Mustafa Cali Caanood.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yiri “Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fekerka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa ciidamada amnigu waxa ay xalay oo ku beegnayd 13-11-2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood, oo ah shakhsi caadeystey fidinta fekerka Khawaarijta.”

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadeystay faafinta fekerka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talagalay in lagu marin habaabiyo dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay wadaadkan ayaa la horgayn doonnaa sharciga, si loogu soo oogo eedeymaha ka dhanka ah.

“Dowladda Somaliya waxay mar kale ku celinaysaa in ay mamnuuc tahay nooc kasta, oo ah faafinta iyo dhiirigelinta afkaaraha khalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo adeegsaday in lagu laayo boqolaal shacab ah, oo aan waxba galabsan.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com