Taliska ATMIS oo tababar weji cusub u bilaabay Booliska Soomaaliyeed (SAWIRRO)

Taliska Ciidanka Booliska Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS ayaa Magaalada Baydhabo ka bilaabay tababar gaar ah, oo loogu talagalay tayaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Iyadoo la raacayo waajibaadka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayuu Hawgalka ATMIS ka taageeraa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed tababarada, la talinta iyo sidoo kale awoodda adeeg bixinta, iyada oo loo marayo abuurista xoog iyo hawlgelin.

Tababarkan gaarka ahi ee laga bilaabay Magaalada Baydhabo ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed lagu barayaa arrimo ay ugu muhiimsan yihiin caqabadaha ka haysta dhinaca sirdoonka maaliyadda, waana xilli Dowladda Federaalka ee la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab ku soo biirisay la dagaalanka dhanka maaliyadda iyo fekerka xagjireynta.

“Innagoo kaashanayna Taliska Booliska, waxaan halkan ku sameynay qiimeyn baahiyaha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana ogaanay daldaloolooyinka muhiimka ah ee dhinacyada sirdoonka maaliyadda, maareynta waddooyinka iyo baarista dembiyada. Waxaan rabnaa inaan ku qalabeyno Saraakiisha Booliiska halkan, si ay awood ugu yeeshaan inay si hufan uga jawaabaan hanjabaadaha Al Shabaab si hufan, sax ah oo waqtigeeda ku habboon.” Ayuu yiri Kusimaha Xiriiriyaha Booliiska ATMIS, Alex Ndili.

Alex Ndili ayaa yiri “Ugu horreyn waa tayaynta hay’adaha dowliga ah, oo aan si dhow ula shaqeynayno Taliyeyaasha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si aan wax uga qabano daldaloolooyinka jira. Waxaan rabnaa inaan dib u eegno dokumeentiyada istiraatiijiyadeed oo ay ku jiraan Habraaca Hawlgelinta Heerka & Siyaasadaha Booliska Bulshada, maareynta taraafikada, saadka iyo maareynta khayraadka aadanaha.”

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Korneyl Amiin Maxamed Cismaan (Daruur) oo ka hadlayay furitaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkan lagu xoojinayo tayaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, xoojinta hannaanka dowladnimada ee dalka, saldhigga sareynta sharciga & horumarinta dhaqaalaha bulshada iyo weliba horumarinta siyaasadda.

“Tababaradan kor loogu qaadayo tayada shaqada waa mid aad muhiim u ah, sababtoo ah keliya ma kordhinayaan xirfadda iyo xirfad-yaqaannimada ee Saraakiisha Booliska, balse waxay sidoo kale gacan ka gaystaan ​​baarista dembiyada iyo dejinta shuruudaha sharciga, si loo guuleysto.” Ayuu yiri Korneyl Daruur.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com