Xaalad bani’aadanimo oo ka jirta Magaalada Kherson

Dowladda Ukraine ayaa walaac ka muujisay xaaladda bani’aadanimada ee Magaalada Kherson, ka dib markii ay isaga baxeen Militariga Ruushka.

Duqa Magaalada Kherson, Roman Holovnia ayaa ka digay in magaaladaasi aanay oolin wax dawo iyo cunno ah.

Duqa Kherson ayaa sheegay in kaydka dawooyinka iyo rootiga ay haatan dhammaadeen, waxaana uu xaaladda bani’aadanimo ee magaaladiisa uu ku tilmaamay mid aad u liidato.

Sidoo kale dadka reer Kherson ayaa walaac ka muujiyay inaanay haysan gaaskii cuntada iyo adeegyadii korontada & biyaha, waana xilli la gelayo waqtiga qaboobaha.

Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Ruushka ay burburiyeen dhammaanba kaabeyaashii muhiimka ee Kherson, ka hor intii aysan magaaladaasi isaga bixin.

“Ciidamada Ruushka ayaa burburiyay kaabeyaashii muhiimka ahaa ee Magaalada Kherson, ka hor inta aysan dib u guran.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa hoosta ka xariiqay in magaaladu ay tahay koronto iyo biyo la’aan, isaga oo intaasi ku daray in sidoo kale ay isgaarsiintu ka go’antahay.

Xukuumadda Kyiv ayaa ku howlan, sidii loo sugi lahaa ammaanka Magaalada Kherson, xilli dad badani ay ka baqdin qabaan weeraro aargudasho ahi oo uga yimaada Militariga Ruushka.

Ciidamada amniga ayaa barro amniga magaalada lagu xaqiijiyo ka sameystay wadooyinka soo gala magaalada.

Ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale difaacyo lagu xoojinayo amniga Webiga Dnieper (Dnipro) ka sameystay daanta galbeed ee webigaasi, haddii Ciidamada Ruushka ku sugan yihiin daanta bari ee webiga.

Kherson oo ka mid ah 4-ta gobol ee Ruushka qarameeyay ayaa markii ugu horreysay Jimcihii laga taagay Calanka Ukraine, ka dib tan iyo bishii March, markaasoo uu Ruushku la wareegay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com