Madaxweyne Laftagareen oo amar ku bixiyay in guluf laga bilaabo Shabellaha Hoose

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ciidamada iyo dadka deegaankaba faray inay iska kaashadaan hawlgalo ay tahay in maleeshiyada Al Shabaab looga sifeeyo gobolkaasi.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay Degmada Baraawe ayaa sheegay in loo baahan yahay in culeyska lagu kordhiyay mintidiinta, si loo soo afjaro dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo weliba halistooda nabadgelyada dalka.

“Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Waxaan rabnaa sidaas oo kale Gobolka Shabellaha Hoose in laga bilaabo hawlgaladii lagula dagaalami lahaa Shabaab, shacab iyo dowlad-na gacmaha la is qabsado, sida dadka Soomaaliyeed ay ula dagaalamayaan loola dagaalo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladda Somaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed garabkiina ayay taagan yihiin, Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabkaba si mideysan ayaa looga hawlgeli doonnaa.”

Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay in hadda ka dib kooxaha argagixisada lagula xisaabtami doono dhibaato kasta oo ay shacabka u gaystaan.

“Mar dambe iyo mar dambe ma dhici doonto dhibaato shacab Soomaaliyeed lagu sameeyay in loo sii dulqaato oo lagu sii samro, oo hoos la sii fiiriyo, intaan ka badan dhiigga Soomaalida in la sii daadiyo ma loo dulqaadan karo.” Ayuu yiri Laftagareen.

Laftagareen ayaa intaasi ku daray “Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com