Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanka ku dhow Degmada Ruunirgood

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cadcadey, oo hoostagta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee hawlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen deegaankaasi.

General Axmed Maxamed Calasow oo horey u soo noqday Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda gudaha ugu jiraan deegaankaasi.

General Tareedisho ayaa warkan ku sheegay wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka.

Ciidamada la wareegay Cadcadey oo dhowr iyo toban kiilo mitir u jirta Degmada Ruunirgood ayaa ku wajahan degmadaasi, oo Shabaabku ka arrimiyaan.

Hawlgalkan ayaa waxaa barbarsocda mid kale oo ciidamadu ku doonayaan inay kula wareegaan Degmada Aadan Yabaal, oo Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi.

Gulufkan ayaa waxaa gadaal ka riixaya Xildhibaanada kala ah Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale), oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com