Dowladda Federaalka oo joojisay shaqaalihii dalka dibaddiisa loo shaqo gaynayay

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ayaa soo saartay amar ay si ku-meel-gaar ah ugu joojineyso shaqaalihii Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa loogu shaqo-gayn jiray, iyadoo dhanka kalena baabi’isay ruqsadihii ay shirkaduhu u haysteen.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay dejisay siyaasadda iyo habraaca guud ee shaqo-siinta, kaas oo saldhig u ah hadafka guud ee ah in la ilaaliyo xuquuqda, badbaadada, sharafta iyo karaamada xoogsatada Soomaaliyeed ee daneynaysa in ay si sharci ah uga qayb qaataan fursadaha shaqo-siinta dibadda.

“Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo ka duulaysa waajibaadka qaran ee ka saaran arrimaha shaqada ee ay u xilsaaran tahay, markii ay garwaaqsatay in ay muhiim tahay in la yareeyo xaddiga shaqa la’aanta ee ka jira dalka gudihiisa ee saameeyay nolosha bulshada Soomaaliyeed, waxay dejisay siyaasadda iyo habraaca guud ee shaqo-siinta dibadda, siyaasaddaas oo Golaha Wasiirada XFS ansixiyeen 17-kii bishii June, 2021, waxaa saldhig u ah hadafka guud ee ah in la ilaaliyo xuquuqda, badbaadada, sharafta iyo karaamada xoogsatada Soomaaliyeed ee daneynaysa in ay si sharci ah uga qayb qaataan fursadaha shaqo-siinta dibadda.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan oo saakay lagu daabacay bogga wasaaradda ee Facebook ayaa lagu sheegay in hay’adihii arrimahaasi ka shaqeynayay laga joojiyay ruqsadihii ay horaan ku hawlgelayeen, dibna ay u soo codsan karaan, marka ay wasaaraddu dhaqangeliso habraaca cusub ee adeegga guud ee shaqo-siinta dibadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com