Jubbaland oo dil toogasho ku fulisay laba askari

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba askari, kuwaa oo lagu helay inay si bareer ah u dileen laba qof oo shacab ah.

Labadan nin ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Cabdille Ismaaciil iyo Cabdi Xasan Isaaq, oo midkood uu ka tirsanaa Xoogga Dalka, kan kalena uu ka tirsanaa kuwa Jubbaland.

Yuusuf Cabdille Ismaaciil ayaa lagu helay inuu dil bareer ah u gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Imaan, halka Cabdi Xasan Isaaq isna lagu helay inuu si ula kac ah u dilay marxuum Axmed Xuseen Cismaan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, G/dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada ka dib Warbaahinta ayaa sheegay in labadaasi askari lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee qisaasta, labadii marxuum ee ay horey u dileen.

Xeer Ilaaliyaha ayaa xukunkan dilka ku qeexay mid askartaasi dawo u ah, ummaddana ay ku kala nabadgeli doonto.

G/dhexe Mowliid Axmed ayaa xusay in qof kasta oo dil bareer ahi gaysto, sida Shareecada Islaamka qabto lagu oofin doono qisaasta dhagartii uu gaystay, isla-markaana ay u yareyso dilalka sharci darrada ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com